Xasan Cali Khayre oo Hoygiisa Ololaha ku Qaabilay Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Muqdisho

Muqdisho – Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa maanta hoygiisa ololaha ku qaabilay guddoomiyeyaasha ardayda jaamacadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho. Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay doorka ardayda ee horumarka dalka iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan dib-u-dhiska Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, Khayre ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay dhalinyarada aqoonta leh u leeyihiin mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay kaalin muuqata ka qaataan hogaaminta iyo isbeddelka Soomaaliya.

Guddoomiyeyaasha jaamacadaha ayaa dhankooda soo dhaweeyay fursadda ay u heleen la kulanka Musharraxa, iyagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka.

Qore: Abdalla Ismail City