Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre oo la kulmay dhallinyarada Soomaaliyeed: “Dhallinyarada waa furaha samatabixinta dalka”
Muqdisho, Soomaaliya – Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo diiradda lagu saaray kaalinta lama huraanka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin samatabixinta iyo horumarinta dalka.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa ahaa mid si qoto dheer looga hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo doorka ay dhallinyaradu ka ciyaari karaan badbaadinta iyo dhisidda qaranka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa carrabka ku adkeeyey in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markaana aan wax horumar ah laga gaari karin dalka haddii aan loo abuurin jawi ay ku mideysan yihiin si ay u hoggaamiyaan isbeddelka.
“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa cududda dhabta ah ee dalka, waxaana la joogaa xilligii ay si mideysan ugu istaagi lahaayeen samatabixinta dadka iyo horumarinta Soomaaliya,” ayuu yiri Khayre.
Musharraxa ayaa sidoo kale xusay in barnaamijka siyaasadeed ee uu wato uu si gaar ah u daneynayo kobcinta awoodda dhallinyarada, shaqo abuurka, iyo ka qaybgalka go’aan ka gaarista dalka, si loo helo bulsho adkaysi leh oo isku duuban.
Kulankan ayaa qeyb ka ah olole ballaaran oo uu wado Mudane Xasan Cali Khayre, kaasoo ku saleysan dhiirrigelinta isbeddel dhab ah oo ay horseedaan dhallinyarada Soomaaliyeed.
Qore: Abdalla Ismail City